(Spain) 06 Feb 2018. La Liga ayaa Gerrard Pique ku ridi kara ganaax labo ilaa saddex kulan ah waa haddii ay dabaal degiisa kulankii Espanyol u arkaan mid wax dhibaya ama ka careysiinaya.
Daafaca reer Spain ayaa farta afka saartay iyadoo loo qaatay inuu aamusinayo taageerayaasha ay xifaaltamaan, balse waxaan sheekadaasi ka helin maamulka horyaalka Spain.
La Liga ayaa arrinkaan ku cambaareeyay Pique waxayna furi doonaan malaf dacwad ah. Kaa oo ku soo oogi kara ganaax ilaa saddex kulan ah.
Gool FM.