Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Carvajal ma ciyaari doonaa kulanka PSG mise??..(UEFA oo Maanta go’aan ka soo saari doonta)

$
0
0

(Spain) 06 Feb 2018. UEFA ayaa maanta go’aansan doonta haddii ay ganaaxa Dani Carvajal ka dhigi doonto hal kulan iyo inkale.

Real Madrid ayaa ka warsugeysa arrinkan iyadoo uu laacibka u ciyaari doono kulanka PSG ee lugta hore ee wareega 16-ka haddii ganaaxa laga rido.

Guddiga Anshaxa iyo Aadaabta ee UEFA ayaa daafaca garabka midig u gacan galiyay labo kulan oo ganaax ah.

Mid waa inay u urureen Jaalayaal, halka kalena waa inuu isagu qasbay in la siiyo Jaale si isagoo nadiif ah uu u yimaado kulamada bug baxa.

Natiijada sawirka Carvajal forced yallow card

Warbixinta laga gudbiyay Carvajal waa mid kama dambeys ah waayo sida uu sheegayo argay ka mid ah garsoorayaasha in daafaca reer Spain uu si qofkasta u muuqata uu u qasbay in Jaale loo taago.

Kooxda Zidane ayaa Racfaan ka gudbisay sheekadan waayo waa ku dhib maqnaanshiyaha Daafacooda.

Waxaase niyad jabin kara Los Blancos inaan horey looga baran UEFA inay isbadel ku sameeyaan ganaax ay soo rogeen Guddiga Anshaxa iyo Adaabta mana ku sii jirto marka uu qofkasta u cadyahay ficilkii lagu ganaaxay daafaca garabka midig.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles