(Spain) 06 Feb 2018. Barcelona ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta xilli ciyaareedkan iyadoo Messi iyo Suarez ay ku hogaaminayaan kooxda inay ku guuleysato La LIga markii todobaad Toban sano gudahood.
Messi iyo Suarez ayaa ku jira qaab ciyaareed aan innaba caadi ahayn, waxayna heer sare ku wadaan kooxda Valverde.
Yeelkeede, iyadoo ay jirto in Barcelona ay kal ciyaareedkan xoog ku heysato La Liga iyo guud ahaan ciyaaraha Spain ayaa misane lagu wadaa in Valverde uu beeso la soo gali doono suuqa xagaaga ee soo socda.
Don Balon ayaa sheegeysa in Messi iyo Suarez ay labaduba u sheegeen tababaraha 53-jirka ah inuu kooxda u soo iibiyo daafaca Bayern Munich ee David Alaba.
25-jirka ayaa kal ciyaareedkan wacdaro ka dhigay kooxdii uu ku soo baxay yaraantiisa.
Dhaawacyada ayaa yare hoos u dhigay xilli ciyaareedkiisa, laakiin Alaba ayaa weli awooday inuu ka soo muuqdo Bayern 18-kulan isagoona dhaliyay 2-gool.
Bandhigiisa wacan ayaa camaaliqada Jarmalka ka caawiyay inay xareystaan Bundesliga lix sano oo xiriir ah.
Don Balon ayaa sheeganeysa in Messi iyo Suarez ay si wayn ula dhacsan yihiin xiddiga reer Austria.
Waxay dareensan yihiin inuu Barca u noqon doono xiddig lagu diirsado haddii uu Valverde soo xero galiyo.
Xiddigaha ka soo wada jeeda Laatiin America ayaa xitaa aaminsan in saxiixa Alaba uu kooxda uga muhiimsan yahay keenista Antoine Griezmann.
Griezmann ayaa ah bartilmaameedka sare ee Barcelona suuqa xagaaga iyadoo dhaliyaha Atletico Madrid ay u badan tahay inuu ka soo tagi doono kooxda.
Laakiin waa la arki doonaa haddii uu Valverde qaadan doono waanada ay u soo jeediyeen labada xiddig ee ugu muhiimsan shaxdiisa.
Gool FM.