(London) 07 Feb 2018. Antonio Conte ayaa la warinayaa inuu ka bad baadey in si deg deg ah looga ceyriyo kooxda kaddib bandhigiisii liita ee kulamadii dhawaa.
Laakiin haddii ay Blues ka mid noqon wayso kal ciyaareedkan afarta sare isla markaana ay Champions League u soo bixi wayso kal ciyaareedka soo aadan, Milkiile Roman Abramovich ayaa shaki la’aan kooxda ka ceyrin doona macallinka reer Talyaani.
Chelsea ayaa guul darro lama filaan ah 4-1 habeen hore kala kulantay kooxda Watford iyadoo 7-gool looga dhaliyay wax ka yar usbuuc.
Conte ayaa go’aansaday inuu fasax saddex maalmood ah siiyo xiddigihiisa si ay maanka u soo dajiyaan isla markaana ay tamar cusub u soo gasho.
Xiddigaha Blues ayaan inta badan la dhacsaneyn qaabka uu tababarka u bixiyo Conte waloow uu kabtan Gary Cahill, aad u difaacay macallinkiisa isagoona sheegay in masuuliyada ay iyagu leeyihiin.
Xiddigaha sidoo kale difaacay Conte ayaa waxaa ka mid ah daafaaca reer Spain ee Cesar Azpilicueta.
Luis Enrique ayaa ugu cad cad inuu xilka ka dhexlo tababarihii hore ee Juventus balse Chelsea ayaa qirtay inaysan weli wax xiriir ah la sameyn macallinkii hore ee Barcelona.
Kooxda ka arrimisa Stamford Bridge ayaa bartanka xilli ciyaareedka waxay horey u ceyrisay tababaryaal ay ka mid yihiin Jose Mourinho, Luiz Felipe Scolari, Roberto Di Matteo iyo Andre Villas-Boas.
Gool FM.