(London) 07 Feb 2018. Alvaro Morata oo xilli ciyaareedkan uun ku soo biiray Chelsea si uu u buuxiyo booskii uu ka tagay Diego Costa ayaa diyaar u ah inuu isaga tago Stamford Bridge haddii uu Milkiile Roman Abramovich kooxda ka ceyriyo Antonio Conte.
Dhaliyaha reer Spain oo boos joogta ah ka waayay Real Madrid ayaa markii hore lala xiriirinayay inuu cago dhigan doono Man United balse wuxuu doortay Blues.
Inkastuu dar dar ku bilowday Premier League misane hoos u dhac ayaa laga dareemayaa iminka oo labo gool oo qura ayuu dhaliyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.
Hoos u dhaca guud ahaan ku wada yimid Chelsea ayaa sababay inuu khatar galo mustaqbalka macallinka reer Talyaani kaa oo iminka si wayn lala xiriirinayo in kooxda laga ceyrin doono.
Diario Gol ayaa warinaya in Morata oo diyaar u yahay inuu isaga huleelo Stamford Bridge haddii kooxda laga ceyriyo macallinka uu dartiis u yimid naadiga ee Conte.
25-jirka ayaa muhimad gaar ah dareemaya marka uu ka hoos shaqeynayo macallinka reer Talyaani balse waxaas oo dhan way bur buri doonaan haddii kooxda laga diro.
“Chelsea ayaan imid maxaa yeelay hal koox iyo hal macallin uun ayaa i aaminsan,” Morata ayaa sidaa ku yiri wareygisigiisa markii uu ku soo biirayay kooxda ka dhisan London.
“Iminka waxaas oo dhan ayaan heystaa aad ayaana u faraxsanahay.”.
Diario Gol ayaa sheegaya in Morata uu ka cabsi qabo in muhimada uu u leeyahay Chelsea ay hoos u dhici doonto haddii uu Conte tago.
Sidoo kale wuxuuba ku faraxsanayn qorshaha kooxda ee ah inay doonayaan in Conte ay ku badelaan tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique.
Gool FM.