(Europe) 08 Feb 2018. Eden Hazard ayaa loo magacaabay laacibka ugu fiican Belgium sanadka 2017 ee xiddigaha ka ciyaara horyaalada Ajaanibta ah.
Xiddiga Chelsea ayaa abaal marintan ku garaacay Kevin De Bruyne oo ay u shidan tahay Manchester City oo ku dhagan hogaanka Premier League iyo waliba Dries Mertens oo kala wada naadiga Napoli oo iyana hogaamineysa horyaalka Serie A.
Hazard ayaa 11-dhibcood oo qura ka sara maray De Bruyne isagoo urursaday 326-cod, waxaana kaalinta saddexaad soo galay Dries Mertens oo 56-cod ka dambeeya Hazard halka uu afaraad soo galay xoog waynaha Man United ee Lukaku.
Kubbad qaabeeyaha Manchester City De Bruyne ayaa labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysanayay abaal marinta laacibka ugu fiican Belgium ee xiddigaha ka ciyaara horyaalada Ajaanibta.
“Abaal marinteydii ugu horreysay Belgium hubaashii ma noqon doonto teedii ugu dambeysay,” Hazard ayaa sidaa yiri kaddib markii loo magacaabay laacibka sanadka ee 2017.
Gool FM.