(Madrid) 08 Feb 2018. Real Madrid waxay u baahan tahay laacibiinta ugu fiican adduunka waana inay la soo saxiixataa laacibka PSG ee Neymar waa sida uu qabo rugcdaagii hore ee Real Madrid iyo xulka Brazil Ronaldo.
Neymar ayaa lacagihii ugu qaalisanaa ebid kubbada cagta 222 milyan oo euro ugu soo biiray camaaliqada Faransiiska sanadkii la soo dhaafay isagoo ka soo tagay Barcelona wuxuuna u saxiixay heshiis dhacaya ilaa 2022.
Saas ay tahay misane 26-jirka ayaa si joogta ah lala xiriirinayaa in si lama filaan ah ugu dhaqaaqo gegada Santiago Bernabeu.
Ronaldo oo Madrid ku soo qaatay in ka badan afar sano ayaa sheegay in kooxdiisii hore ay had iyo jeer raadiso xiddigaha ugu fiican waxaana kuwaa ka mid ah Neymar.
“Neymar waa ciyaaryahan aad u fiican, waxaa laga yaabaa inuu noqdo kan ugu fiican adduunka sanadaha yar ee soo socda, Real Madridna waxay u baahan tahay kan ugu fiican.”. Ronaldo ayaa sidaa u sheegay Marca.
Ronaldo wayne oo warkiisa sii wata ayaa yiri:
“Ma maqal wakiilada rasmiga ah ee Real Madrid oo wax ka oranaya arrinka Neymar.
“Waa inay ka fikiraan waxa ay hestaan sanadkaanna wuu ku adag yahay Madrid, waa inay horey u sii socdaan ayna si fiican ku dhammeystaan.
“Champions League waa tartan ay si fiican ka sameynayaan waana arki doonnaa sida uu ku dhammaado, maxaa yeelay kubbada cagta wax kasta si dhaqsi leh ayay isku badelayaan.”.
Gool FM.