Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Barcelona waxay ku ciyaartaa 13-laacib halka ay kooxaha kale ku ciyaaraan 11.”.

$
0
0

(Europe) 08 Feb 2018. Weeraryahankii hore ee Barcelona Gary Lineker ee iminka ah falanqeeyaha caalamiga ah ayaa wax ka yiri kooxdiisii hore ee Barca gaar ahaan Lionel Messi.

Saddex sano uu ku soo qaatay Spain, Lineker ayaa dhaliyay 42-gool 103-kulan uu ka soo muuqday La Liga wuxuuna ahaa laacibka reer British ee goolashii ugu badnaa ka dhaliya horyaalka Spain ka hor inta uusan ka sara marin Gareth Bale.

“Waan jeclahay Barcelona,” Lineker ayaa sidaa u sheegay Lobo Carrasco mar uu wareysi siinayay Mundo Deportivo.

“Waan arkaa dhammaan kulamadeeda, aniga iyo caruurteyda afarta ah waxaan wada taageernaa Barcelona.

“Barcelona waxay ahayd kooxda ugu fiican tan iyo Ronaldinho, Xavi, Iniesta waxaa intaa oo dhana ka sarreeya Messi.

“Messi adduun kale ayuu ka yimid.”.

Weeraryahankii hore ee xulka England ayaa ku sii fogaaday xiddiga reer Argentina iyo jeceylkuu u qabo.

“Wuxuu kulankiiba sameeyaa afar ama shan waxyaabood oo aan weligeey sameyn waayaheygay ciyaareed, wuxuu sameeyaa waxyaabo Cajiib ah, waa kan ugu fiican kubbada cagta ebid.

“Marna ma moodeyn inaan arki doono qof ka fiican Diego Maradona, waxay yiraahdeen Maradon wuxuu ku guuleystay Koobka Adduunka Messi na kuma guuleysan, laakiin Messi wuxuu heystaa Afar Champions League Mardona midna ma heysto.

“Barcelona waxay ku ciyaartaa 13-laacib maxaa yeelay waxay heystaan Messi.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles