(London) 20 Feb 2018. Chelsea oo Jilicsan kal ciyaareedkan ayaa caawa Stamford Bridge ku marti galin doonta Barcelona lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.
Hal Jeer oo qura ayaa Barca laga adkaaday kal ciyaareedkan oo idil kaaga daranee hal mar xitaa lagama adkaan horyaalka La Liga.
Halka Kooxda Antonio Conte ay guuleysatay afar kulan oo qura 12-kii kulan ee ugu dambeeyay.
Haddaba Blues ayaa garaaci karta kooxda la garaaci la’yahay haddii ay oofiso afartan Waxyaabood:
1. Inaya Garbaha ka tumaan Barcelona:
Labada garbood ee Daafaca Barcelona Sergi Roberto iyo Jordi Alba ayaa aad ugu mashquulsan Weerarka iyadoona goolasha ugu badan ee laga dhaliyay kooxda Valvarde kal ciyaareedkan ay ka yimaadeen labadaasi boos.
2. Inay Xooga saaraan weerarka Rogaal Celiska ah ‘Counterattack’:
Barcelona ayaa sida la filaya heysan doonta inta badan kubbada, Chelsea ayaana u fiican inaysan midaa isku mashquulin oo badelkeeda ay ku garaacdo weerarka Rogaal Celiska ah iyadoo ka faa’iideysanaysa xirafada iyo orodka dheer ee Hazard, Willian iyo Pedro.
3. Eden Hazard:
Waa xubin kale ay Blues caawa ka faa’iideysan karto maadaama uu laacibka reer Belgium ku jiro qaab ciyaareed aad u shidan.
Wuxuu kal ciyaareedkan dhaliyay 17 gool ay ka mid tahay lix gool uu dhaliyay lixdii kulan ee ugu dambeeyay.
4. Chelsea waa inay Daafaceeda Shub ka dhigato caawa:
Waa lagama maarmaan in Chelsea ay aad u adkeyso daafaceeda isla markaana ay maskax dagan ku ciyaaraan iyadoo waliba Daafaca daba dhigeyso Kante oo hareeraha ka joogi doona.
Gool FM.