(Muqdisho) 20 Feb 2018. Kooxda lagu naaneyso Cawo iyo Maalin ee Horseed ayaa guul muhiim ah ka gaartay naadiga Jeenyo kaddib markii ay ku martay 2-0.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.
Xiddiga Ajnabiga ah ee Orlando ayaa goolka koowaad ugu daah furay kooxdiisa.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Maxamed ayaa goolka labaad u dhaliyay Cawo iyo Maalin.
Guusha ayaa uga dhigan Horseed inay iminka 13-dhibcood hogaanka kula heyso kooxda xafidaneysa horyaalka ee Dekadda.
Gool FM.