(London) 23 Feb 2018. Manchester United ayaa axada Old Trafford ku soo dhaweyn doonta kooxda Chelsea.
Antonio Conte ayaa sheegay inuu ku farxi doono isla markaana ay caawin doonto kooxdiisa haddii Pogba laga reebo mar kale safka Red Devils.
Mourinho ayaa baryihii dambe aad ugu kacsanaa xiddiga reer France isagoona keydka ku soo bilaabay kulamo badan.
Conte oo ka hadlay xaalada laacibkiisii hore ee Juventus ayaa yiri.
“Waxaan ka hadleynaa ciyaaryahan heer sare ah, Cajiib ah.
“Waxaan filanayaa inaan garoonka ku arki doono isaga haddii uu ka maqnaadana way inoo fiicnaan doontaa innaga.
“Tababare kasta waa inuu helaa wadada saxda ah uu ku maamulo isaga. Pogba wuxuu tusinayaa Man United inuu yahay laacib heer sare ah. Waa inaan Daacad noqdaa Waxaan diirada saarayaa Chelsea uun.”.
Gool FM.