Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Liverpool vs West Ham

$
0
0

(England) 24 Feb 2018. Liverpool oo isha ku heysa kaalinta saddexaad ee Premier Leauge ayaa soo dhawayneysa West Ham oo iyaduba baryahaan soo kabaneysa.

Wararka Labada dhinac:

Joe Gomez ayaa soo laabtay kaddib dhaawac uu ku maqnaa halka Nathaniel Clyne uu bilaabay tababarka fudud waloow uu kulanka ka maqnaan doono.

West Ham ayaa dib u soo dhawayneysa daafaceeda Winston Reid kaddib Infakshan Cunaha ah.

Sidoo kalae waxaa dib ugu soo laabtay kubbad qaabeeyahooda Manuel Lanzini kaddib dhibaato muruqa ah.

Arthur Masuaku ayaa weli gudanaya Lix kulan oo ganaax ah, halka Jose Fonte uu ogolaaday inuu u dhaqaaqo horyaalka Shiinaha.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Liverpool vs West Ham (Premier League)

Goobta: Anfield

Goorta: 6:00 Fiidnimo

Garsoorka: Stuart Attwell (England)

Kulamada Fool ka Foolka:

◾West Ham wax guul darro ah lama kulmin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ay u soo safarto Liverpool dhammaan tartamada, yeelkeede guusha kaliya ay ku gaartay Anfield 48 kulan ayaa imaaneysa Bishii August 2015 (33-guul darro iyo 14-bar baro)

◾Guul darrooyinka ugu badan West Ham horyaalka Ingiriiska waxay ka soo gaartay kooxaha Merseyside: 60-guul darro ay kala kulantay Liverpool iyo 61- ay kala kulantay Everton.

◾Liverpool ayaa guuleystay labadii is arag ee ugu dambeeyay Premier League 4-0 iyo 4-1. Markii ugu dambeysay ay afar gool iyo ka badan saddex kulan oo xiriir ah kooxo ugu adkaadaan waxay ahayd Norwich sanadihii u dhexeeyay 2012 iyo 2013.

Safafka Macquulka ah ee Liverpool vs West Ham:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles