Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Haddii aan ku guuleysano Champions League….”.-Modric oo Hadalkaan u sheegay Ronaldo

$
0
0

(Madrid) 08 Maarso 2018. Xiddiga qadka dhexe ee Real Madrid ayaa saaxiibkii Cristiano Ronaldo u sheegay inuu kooxda ka tagi doono haddii ay ku guuleystaan Champions League.

Camaaliqada Spain ayaa rajada kaliya ay qabto sanadkan ah koobka horyaalada Yurub maadaama ay horyaalka Masaafo dheer u jirto Barcelona.

Los Blancos ayaana habeen hore si wayn u nooleysay rajadeeda kaddib markii ay ka soo talaabsatay PSG una soo gudubtay wareega sideed dhammaadka.

Waxay noqon doontaa waxaan weli ebdi horey loo sameyn haddii ay markii 3-aad oo xiriir ah ku guuleystaan Champions League.

Laakiin sida ay sheegayaan warar dhawaan gal ah oo ka imaanaya Spain in koobka Champions League uu u baas bixi doono Modric isla markaana ay midaa murjineyso Ronaldo oo saaxiib la ah.

Sawirka la xidhiidha

Sida uu sheegayo warsidaha Diario Gol, in Ronaldo uu kala hadlayay Modric mustaqbalkiisa Bernabeu.

“Waan ka tagi doonaa kooxda haddii aan ku guuleysano Champions League.”. Modric ayaa la warinayaa inuu sidaa u sheegay CR7.

Xiddiga reer Portugal ayaana warkaan ku farxin maadaama uu si wayn u qiimeeyo xiddiga qadka dhexe ee reer Croatia.

Sidoo kale warkan ayaa dhabar jab wayn ku ah Zidane, laakiin go’aanka Modric ee ah inuu doonayo inuu meelo kale ka ciyaaro cadaadis la’aan ayaa waxaa sidoo kale ogaaday Madaxwayne kooxda.

Florentino Perez ayaana midan u qaadanaya sida fursad inuu ku soo dabo laacib bartilmaameed wayn u ah kooxdiisa.

Madaxwaynaha ayaa ka warqaba in Modric laga jecel yahay Tottenham kaa oo doonaya inuu saxiixo heshiiskii ugu dambeeyay oo wayn.

Diario Gol ayaana sheegaya in Florentino Perez uu jeclaan lahaa inuu Modric dib ugu celiyo Spurs si ay uga caawiso inay fududeyso inay helaan Harry Kane.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025