(Europe) 08 Maarso 2018. Dani Alves ayaa ku sameeyay Cristiano Ronaldo wax ay taageerayaasha ka yaq yaqsadeen ciyaartii habeen hore ay 2-1 uga adkaadeen.
Daafaca reer Brazil ayaa inta sankiisa Diif ka soo tiray ku tiray maaliyada gacmo dheeraha ee Xiddiga reer Portugal.
Ronaldo ayaa laf dhuun gashay ku noqday kooxda reer France kaddib markii uu saddex gool ka muday labad lugood ee wareega 16-ka Champions League.
Alves iyo Ronaldo ayaa waxa ka dhexeeya dagaal waqti dheer soo socday inkastuu Alves sheegay inuu tixgalin u hayo laacibka shanta jeer ku guuleysta Ballon d’or.
Daqiiqadii 15 –aad ee ciyaarta Ronaldo ayaa darbo kulul ku riday Alves inkastuu la waayay balse Alves ayaa markii dambe isna Diif ku tiray maaliyadiisa sida ka muuqata Muuqaal la helay.
Laacibka ayaa war uu dhawaan soo dhigay Boggiisa Twitter ka ku beeniyay inuu Diif ku tiray Ronaldo isagoona sheegay in hadalada micnaha lahayn uu u daynayo dadka Doqomada ah.
Bal adiga DAAWO siduu kuula muuqdaa maku Diifsaday mise????
Gool FM.