(Muqdisho) 08 Maarso 2018. Naadiga Woxool ayaa gaartay guushii ugu horreysay ee Somalia Premier League kal ciyaareedkan kaddib markii ay gool madi ah ku martay Jeenyo.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta ayay Woxool la timid goolka qura ay guusha ku gaartay.
Woxool ayaa halka ugu hooseysa kaga jirtay Horyaalka wixii kulanka galabta ka horeeyay balse waxay iminka kaalintaas u dhiibtay Gaadiidka.
Gool FM.