Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Firmino oo doonaya in lagu aadiyo koox Ingiriiska ah wareega 8-da Champions League…(Sababta oo sharaxan)

$
0
0

(England) 08 Maarso 2018. Weeraryahanka Liverpool Roberto Firmino ayaa ka dhawaajiyay inuu doonayo in lagu aadiyo koox Ingiriis ah wareega 8-da Champions League isagoona sharxay sababta.

Reds ayaa markii ugu horreysay u soo gudubtay quarter-finals tan iyo 2009.

Manchester City ayaa sidoo kale soo gudubtay halka xalay la reebay Tottenham, waxaana sidoo kale soo bixi kara Manchester United iyo Chelsea haddii ay usbuuca dambe adkaadaan.

Dhaliyaha reer Brazil oo sharaxaya sababta uu u doonayo in lagu aadiyo koox kala dhisan England ayaa yiri:

liverpool players prepare for the UEFA Champions League round of sixteen second leg football match between Liverpool and FC Porto at Anfield in Liverpool, north-west England on March 6, 2018. / AFP PHOTO / PAUL ELLISPAUL ELLIS/AFP/Getty Images

“Haa, waxaan jeclaan lahaa inaan ku aadno koox England ah.

“Xilli ciyaareeyadii yaraa ee la soo dhaafay waxaan muujinay inaan garaaci karno dhammaan kooxaha England. Rikoodhkan ka heysano waa mid fiican.

“Waxaan dareemeynaa inaan si fiican ula ciyaarnay kooxaha sar sare ee England aana tusinay inaan garaaci karno. Laakiin kama cabsaneyno koox kasta oo nalagu aadiyo.”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles