(Madrid) 09 Maarso 2018. Cristiano Ronaldo ayaa la warinayaa in Kabtanka kooxda ee Sergio Ramos uu ka maqlay in Real Madrid ay heshiis suuro gal ah la gaartay Goolhayaha Chelsea ee Thibaut Courtois.
Kooxda Zidane ayaa lagu wadaa inay dib u dhis xoogan isku sameyso xagaaga maadaama ay koobab badan ka hartay sanadkan marka laga reebo Champions League.
Saxiix lagu badelo goolhaye Keylor Navas ayaa halka sare ugu jira liiska Real Madrid.
Goolhayaha Manchester United David De Gea ayaa waqti badan lala xiriirnayay inuu u soo dhaqaaqayo Bernabeu wuxuuna qarka u fuulay inuu ku soo biiro 2015.
Laakiin wararka iminka ka imaanaya Spain ayaa warinaya in Ramos uu ka war helay in kooxda ay dareenkeeda u weecisay gool ilaaliyaha Blues.
“Florentino Perez Wuxuu la soo saxiixday Courtois,” Diario Gol ayaa sheeganeysa in Ramos uu sidaa u sheegay Ronaldo iyo Marcelo.
Waxaa la aaminsan yahay in Madaxwaynaha kooxda uusan weli heshiis ka saxiixan Goolhayaha Chelsea isla markaana uu weli doorbiday De Gea.
Balse sida muuqata wuxuu hubaa inuu la soo saxiixan karo haddii loo baahdo isagoo xitaa ku wargaliyay xiddigaha waa wayn ee kooxda in Guri loo sii baadi goobo.
Gool FM.