(Europe) 09 Maarso 2018. Waa sax in kubbada cagta laga helo Lacago badan iyo waliba Magac balse waxay inta badan cuuriyaamisaa inaad wax barato.
Laakiin waxaa jira ciyaartooy isku qabsaday labada howl oo iyagoo ku jira kubbada cagta ka qalin jabiyay Jaamacado isugu jira, Caafimaad, Dhaqaalaha iyo waliba Saxaafadda.
Haddaba Baro ciyaartoyda ugu AQOONTA badan Kubbada Cagta:
Juan Mata:
Ma ahan oo kaliya inuu yahay shaqsi fiican oo Sameeya Samafal badan oo sidoo kale waa Aqoon yahay.
Laacibka Man United ayaa Saxaafada ka bartay Universidad Politecnica ee ku taala Madrid.
Sidoo kale marka uusan u ciyaareyn Red Devils wuxuu Degree ka diyaariyaa sports science and finance.
Andrey Arshavin:
Haddii uusan noqon lahayn Laacib kubbada cagta ah wuxuu ahaan lahaa dadka sameeya Fashion ka.
Laacibkii hore ee Arsenal iyo xulka Ruushka ayaa ka soo qalin jabiyay St Petersburg State University isagoona bartay Cilmiga Farsamada iyo Naqshadeynta ‘Technology and Design’.
Wuxuu bartay Tiknoolajiyada Dharka, wuxuuna farsamadiisa uga faa’iideystay inuu Ruushka ka sameysto goobo dharka lagu sameeyo uu isagu leeyahay.
Gerrard Pique:
Daafaca Barcelona ayaa Master ka diyaarinaya Jaamacada Harvard University ee dalka Mareykanka isagoona baranaya Dhaqaalaha.
Xiddiga reer Spain ayaa isha ku haya inuu noqdo Madaxwaynaha Mustaqbalka ee naadiga reer Catalonia.
Simon Mignolet:
Goolyahaya Liverpool waxaa la arkaa inuusan aad ugu fiicneyn shabaq ilaalinta balse waa Aqoon yahan.
Xiddiga reer Beglium oo dalkiisa ku leh Maqaaxi Kafeega laga cabo ayaa bartay Sharciga iyo Cilmiga Siyaasadda.
Frank Lampard:
Rugcadaaga Chelsea ayaa diyarinaya shahadooyinkiisa Tababaranimo, balse waxay midaa u noqoneysaa talaabo nacasnimo.
Maxaa yeelay laacibka reer England ayaa in ka badan 150 ka keenay Imtixaanka Garaadka Bani’aadamka IQ test.
Natiijadaas ayaana la mid ah in Lampard uu ka mid yahay dadka ugu garaadka badan adduunka Boqolkiiba 0.1 dadyowga caalamka.
Giorgio Chiellini:
Daafaca taakada kulul ee mintidka ah Xayawaan uma aha sida aad moodo.
Chiellini arday aad u xariif ah ayuu ku ahaa Iskuulka isagoona si fudud ku wada baasay dhammaan imtixaanadiisa.
Intaa kaddib wuxuu aaday prestigious University ee magaalada Turin isagoona Degree ka diyaariyay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.
Glenn Johnson:
Daaficii hore ee Chelsea iyo Liverpool waa xariif aad xisaabta ugu dheereeya.
Wuxuu Degree ka diyaariyay Maths isagoona iska diiwaan galiyay Open University.
Malaha howlihiisa ganacsi uma baahnaan doono Xisaabiye maadaama uu Xisaabta xariif ku yahay.
Romelu Lukaku:
Lukaku aad ayuu ugu fiican yahay Luqadaha oo wuxuu ku hadlaa Shan luqadood oo ay ka mid yihiin English, Spanish, Dutch, French iyo Portuguese.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu fahmayo luqadaha Jarmalka iyo Swahili ga wuxuuna Degree ka diyaariyay Dalxiiska iyo xiriirka dadwaynaha.
Edwin Van der Saar:
Halyeygii hore ee Manchester United ayaa markii uu ciyaaraha ka fariistay Master ka diyaariyay Machadka Johan Cruyff, wuxuuna bartay Ciyaaraha iyo Maamulka.
Socrates:
Halyeygii hore ee Xulka Brazil ee lagu xusuusto Garka wayn ayaa Degree ka diyaariyayay Kulyadda Caafimaadka.
Wuxuu ka qalin jabiyay Faculdade de Medicina de Ribeirão Preto isagoona weli ciyaaraha ku dhex jira.
Intaa oo kaliya maahanee waa qoraa oo wuxuu Jariiradaha Brazil ku soo daabacay Qoraalo isugu jira Ciyaaraha, Dhaqaalaha iyo xitaa Siyaasadda.
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.