(England) 10 Maarso 2018. Man United ayaa mininkeeda ku soo dhaweynaysa Liverpool.
Inuu kulanku yahay kan ugu xifaaltanka badan Premier League waxaa u dheer in labada kooxood ay ku dagaalamayaan kaalinta 2-aad ee horyaalka.
Wararka Labada dhinac:
Man United ayaa dib u heshay joog dheeraheeda Marouane Fellaini kaddib dhaawac jilibka ah.
Eric Bailly ayaa isna dib u helay taam ahaanshihiisa buuxda balse uma badna inuu ka soo muuqan doono kulanka, Ander Herrera, Marcos Rojo, Anthony Martial, Phil Jones iyo Daley Blind iyaa iyagu dhamaan wada maqan.
Andrew Robertson ayaa ka soo kabtay jug kaddib markii uu seegay kulankii Liverpool iyo FC Porto.
Georginio Wijnaldum ayaa laga yaabaa in dib loo helo kaddib markii uu ka soo kabtay xanuun.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Man United vs Liverpool (Premier League)
Goobta: Old Trafford
Goorta: 3:30 Galbanimo
Garsoorka: Craig Pawson (England)
Kulamad Fool ka Foolka:
Kulankan wuxuu noqon doonaa kii 170-aad ay labada koox isku qabtaan dhammaan tartamada, Man United ayaa adkaatay 67 jeer halka Liverpool ay badisay 55-jeer.
Afartii kulan ee ugu dambeysay ee Man United iyo Liverpool dhammaan tartamada waxay ku dhammaadeen bar baro.
Kulanka Red Devils iyo Reds waa kan labaad ee ugu roosaha badan Premier League 16-kaarka cas waxaa ka badan oo kaliya kulanka Merseyside derby ee Liverpool vs Everton 21-Kaarka cas.
Jose Mourinho ayaa guuleystay kaliya hal kulan sideedii kulan uu la ciyaaray Jurgen Klopp dhammaan tartamada (3-guul darro iyo 4-bar baro)
Safafka Macquulka ah ee Manchester United vs Liverpool:
Gool FM.