(England) 10 Maarso 2018. Chelsea oo ay baryahan si xun uga jajaban tahay ayaa marti qaadeysa kooxda Crystal Palace oo iyana Jilbaha ku socota.
Wararka Labada Dhinac:
Madaale Kante ayaa dib loo heli karaa kaddib markii uu tababarka ku dhex suuxay isla markaana si ka hor tag ahaan uu u seegay kulankii Manchester City.
Tiemoue Bakayoko ayaa sidoo kale taam ah kaddib markii uu ka soo kabtay dhibaato kubka ah, laakiin waxaa weli maqan David Luiz, Ross Barkley iyo Ethan Ampadu.
Crystal Palace ayaa tijaabooyin marsiin doonta Wilfried Zaha iyo Mamadou Sakho kuwaa oo dib ugu soo laabtay tababarka kaddib dhaawacyo jilibka iyo kubka ay ka soo kabteen.
Joel Ward, Scott Dann, Yohan Cabaye, Ruben Loftus-Cheek, Jason Puncheon, Bakary Sako, Connor Wickham iyo Julian Speroni weli way maqan yihiin.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Chelsea vs Crystal Palace (Premier League)
Goobta: Stamford Bridge
Goorta: 8:30 Habeenimo
Garsoorka: Anthony Taylor (England)
Kulamada Fool ka Foolka:
Chelsea ayaa guul darreysatay labadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ay la ciyaarto Crystal Palace, kooxdii ugu dambeysay oo saddex kulan oo xiriir ah garaacdo waxay ahayd Liverpool, kuwaa oo diiwaan gishtay afar kulan oo xiriir ah ay Blues guul ka gaaraan sanadihii u dhexeeyay 2010 and 2012.
Palace ayaa labo kulan oo is xigta ku badisay Stamford Bridge kaddib markii ay ku guul darreysatay inay wax guul ah ku soo gaarto garoonkaas 13-kii kulan ee ugu horereyay (8-guul darro iyo 5-bar baro)
Chelsea ayaa Khatar ugu jirta in saddex kulan oo xiriir ah gurigeeda horyaalka ay hal koox uga adkaato kulamada London derbies tan iyo 1974 kolkaa ay ka adkaatay (Arsenal).
Safafka Macquulka ah ee Chelsea vs Crystal Palace:
Gool FM.