Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

DEG DEG: Messi oo Daqiiqadihii ugu dambeeyay laga reebay Shaxda Barcelona ee Caawa kaddib Xaaskiisa….

$
0
0

(Spain) 10 Maarso 2018. Lionel Messi ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay laga reebay Shaxda Barcelona ee kulanka caawa ee Malaga kaddib markii la sheegay inuu Xaaskiisa Isbital ula cararay.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ka imaanaya Spain ayaa tibaaaxaya in Antonella ay Cunigii saddexaad u dhashay Messi saacado yar ka hor kulanka caawa.

Kabtanka Argentina ayaa la nasiyay kulankii Espanyol waxaana la filayay inuu ku soo bilaaban doono kulanka caawa kaddib markii uu tababarka la qaatay Kooxda Jimcihii.

Lionel Messi

Saxafiga reer Spain ee la tixgaliyo Alfredo Martinez ayaa maqnaanshiyaha Messi ku sheegay inuu Isbital ula cararay Xaaskiisa ka hor inta aysan si nabad ah u halin canugoodii saddexaad.

“Isbadel Shaxda ah daqiiqadii ugu dambeysay, Messi oo ku maqan sababo shaqsi ahaaneed, Yerry Mina ayaana booskiisa galay,’ Sidaa ayaa lagu yiri Twitter ka Barcelona

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles