Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

DAAHA LAGA ROGAY: Man United oo Lacago badan laga doonayo galabta haddii uu Martial Gool ka dhaliyo Liverpool

$
0
0

(Manchester) 10 Maarso 2018. Taageerayaasha Man United ayaa aad ugu farxi lahaa haddii uu Martial gool guul u gacan galiya kooxda uu ka dhaliyo Liverpool kulanka galabta balse midaa waxay dhaawici doontaa Jeebka kooxdooda, maadaama ay lacago badan bixin doonto haddii uu gool dhaliyo.

Kooxda Jose Mourinho ayaa 9 milyan oo bound siin doonta naadigii hore ee Anthony Martial ee Monaco haddii uu galabta goolka guusha ka dhaliyo Reds.

Da’yarka reer France ayaa waqtiga la dagaalamaya sidii uu taam ugu noqon lahaa ciyaarta galabta ka dhici doonta Old Trafford.

Camaaliqada reer France ayaa 38 milyan oo bound jeebka loogu shubay markii uu Martial u soo dhaqaaqayay Man United 2015.

Natiijada sawirka Martial Monaco

Balse heshiiska waxaa qeyb ka ahaa lacago bareemiyo ah 8.9 milyan oo bound oo u xaroon doonta Monaco marka uu 22 jirka dhaliyo goolkiisii 25-aad ee Premier League.

Anthony Martial ayaa iminka leh 24-gool, gool uu galabta ka xareeyo Liverpool waxay ka dhignaan doontaa in Monaco ay faraqa ku shuban doonto lacagaha Bareemiyada.

Balse waxay u muuqataa in Monaco ay kulan kale sugi doonto maadaama ay u badan tahay in xiddiga reer France uu dhaawac ku seego ciyaarta galabta.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles