(Europe) 11 Maarso 2018. Naadiga Barcelona ayaa warbixin ay soo saartay ku xaqiijisay in naadiga Gremio ay la gaartay heshiis ku aadan xiddigeeda qadka dhexe ee Arthur taa oo u ogolaaneysa inay mustaqbalka dhow kula soo saxiixato adduun dhan 30 milyan oo euro.
21-jirka ayaa bandhig fiican ka dhigaya naadiga reer Brazil isagoona ka caawiyay inay ku guuleystaan koobka Copa Libertadores.
Warbixin Rasmi ah ay Barca soo dhigtay boggeeda ayay ku sheegtay in kooxda Gremio ay la gaartay heshiis jaban ay kula saxiixan karto Arthur Henrique Ramos de Oliveira Melo taa oo ay dhammeystiri doonto July 2018.
Waxaa sidoo kale warbinta lagu daray in qiimaha lagu jaan gooyay 30-milyan oo euro iyo 9-milyan oo bareemiyo ah.
Gool FM.