(Manchester) 14 Maarso 2018. Romelu Lukaku ayaa furka ku tuuray xiddigaha Manchester United kaddib markii xalay laga soo reebay Champions League.
Red Devils oo la saadaalinayay inay u soo gudbi doonto wareega xiga ayaa waji gabax la kulantay kaddib markii uu labo gool ka muday Wissam Ben Yedder oo badel ku yimid.
Lukaku ayaa gool soo daahay u dhaliyay kooxda Jose Mourinho balse waxba kuma aysan faa’iidin.
Macalinka Mayilka adag ayaa ammaanay bandhiga xiddigihiisa ee kulankii xalay, laakiin haddii ayba fiicnaayeen waxaa la is waydiinayaa maxay tahay 4-ta Laad oo qura ay goolka la bartilmaameedsadeen labada lug ay la ciyaareen Sevilla.
“Waxbaa ka qaldanaa ciyaartoyda qaar, Way qarsanaayeen ciyaartoyda qaar,” Lukaku ayaa sidaa u sheegay BT Sport.
“Khiyaanada aad ayay u wayneyd.Waad ogtahay si fiican ayaan ku bilaabanay kulanka, laakiin waxaan u ogolaanay inay yare xukumaan kulanka. Fursado yar ayaan helnay qeybta hore balse ma aynaan dhalin.
“Goolka koowaad ayay dhaliyeen, laga soo bilaabo waqtigaas waxaan isku daynay inaan badelno kulanka balse goolka labaad ayay dhaliyeen taa oo dhabar jab wayn ah.
“Waxay ahayd inaan sameyno wax intaan ka fiican marka loo eego tayada aan kooxda ku heysano, laakiin guul uma aynaan qalmin maxaa yeelay fiicnaanshaheenu naguma filneyn.”.
Gool FM.