Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

WARBIXIN: Maxay Caawa Chelsea ugu fiican tahay inay Rigoore ku gasho Barcelona halkii ay ku gali lahayd Bulusiyoon??

$
0
0

(Europe) 14 Maarso 2018. Chelsea ayaa laga yaabaa inay u fiican tahay in Rigoore laga dhigo caawa halkii Bulusiyoon laga dhigi lahaa kulanka ay Nou Camp kula ciyaareyso Barcelona.

Blues ayaa lugtii hore ee wareega 16 ka Champions League ee lagu soo ciyaara Stamford Bridge la dhaafi waysay Barca 1-1.

Messi oo markii ugu horreysay taariikhda gool ka dhaliyay Chelsea kulankii hore ayaa caawa ku sugaya Nou Camp isagoo waliba nasiino fiican helay.

Haddaba sidee Chelsea ugu roon tahay in Rigoore laga dhigo halkii Bulusiyoon laga dhigi lahaa.

Lionel Messi ayaa dhaliyay Shan Bulusiyoon 33-jeer uu isku dayay, isagoona dhaliyay mid ka mid ah 6.6-dii jeerba mar.

Taa oo la micno ah inuu qiyaas ahaan Messi leeyahay 15%, marka lala bar bar dhigo isku cel celiska shanta horyaal ee sare oo iyagu leh Boqolkiiba Lix oo qura.

Iyadoo ay jirto in Messi uu Shan Bulusiyoon dhaliyay dhawaanahan misane ma jirto laacib kale oo ka ciyaara Shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub oo dhaliyay wax ka badan Saddex Free Kick xilli ciyaareedka oo idil.

Laakiin marka loo Fiiriyo dhanka Rigoorada Rikoodhka Messi ma ahan mid sidaa u qurxoon.

Image result for Lionel Messi missing Penalty Barcelona

Xiddiga reer Argentina ayaa ku guul darreystay inuu dhaliyo 21 ka mid ah 94-Rigoore uu u tuuray Barcelona taa oo ka dhigan inuu Khasaariyay 22% Gool ku laadyadii uu u tuuray camaaliqada reer Spain.

Yeelkeede, Waxaa aad u soo wacnaanaya Free Kick tuurista Messi oo wuxuu si xiriir ah u dhalinayay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ka mid tahay Atletico Madrid.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles