(Madrid) 16 Maarso 2018. Dani Carvajal ayaa wax laga waydiiyay midka uu jeclaan lahaa inuu kula soo biiro Real Madrid, Xiddiga PSG Neymar iyo weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann.
Duwaha reer Spain ayaa qiray inuu ku silcay raacashada Neymar berigii uu joogay Barcelona sidaa darteedna uu isaga la soo saxiixan lahaa wuxuuna yiri mar uu u waramayay Radio MARCA.
“Way adag tahay, maadaama uu I silciyay, Neymar ayaan la soo saxiixan lahaa.
Carvajal oo sidoo kale ka hadlay xanuunkii wadnaha ka haleelay ayaa yiri:
“Wuxuu ahaa Caabuq kaa oo iga abaaray wadnaha.
“Maalmihii hore codka ayaa yare iga lumay intaa kaddib xabadka ayaa bilaabay inuu aad ii xanuuno.
“Waxaan mooday inuu i hayo hergab daran, waxaan aaday tababarka waxaana u sheegay dhakhtarka. Tababar ayaan qaatay intaa kaddib tijaabooyinkii waxay soo bixiyeen jawaab qariib ah.
“Wixii ugu xumaa waxay ahaayeen shantaas usbuuc aan waxba sameyn Karin, mararka qaar waxaa aadi jiray Valdebebas si aan saaxiibadeyda u arko.”.
Gool FM.