(England) 20 Maarso 2018. Maxamed Saalax ayaa ku jira usbuuca waalan kaddib Afar gool uu dhaliyay isla markaana gool kale uu dhiibay ciyaartii ay 5-0 uga adkaadeen Watford.
Saameynta uu wiilka Masar ka sameynayo Premier League waa mid car car ah kaddib markii uu noqday laacibkii ugu horreeyay Taariikhda Liverpool oo xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay dhaliya 36-gool.
Intaa oo kaliya ma ahanee Maxamed ayaa hogaaminaya gool dhalinta 5-ta horyaal ee ugu waa wayn Yurub.
Haddaba Saameyntiisa ayaa u gudubtay Caruurta yar yar ee England iyagoona bilaabay inay SAJUUDAAN sidii wiilka Muslimka ah.
DAAWO:
KU DHUFO HALKAN:
Gool FM.