Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Fiorentina oo Garoonkeeda Tababarka ugu Magac dartay Kabankeedii Geeriyooday

$
0
0

(Europe) 20 Maarso 2018. Naadiga Fiorentina ayaa go’aansatay inay Magaca ka badesho xeradeeda tababarka iyadoona ugu magac dareysa kabtankeedii dhawaan geeriyooyday ee Davide Astori.

Daafaca reer Talyaani ayay nafta ka haaday mar uu kooxda la jiifay Hoteel ka hor kulan horyaal ay la yeelan lahaayeen Udinese horaantii bishan.

Fiorentina oo Aas qaran u sameysay kabtankeeda isla markaana kulankeedii dhawaa ciyaarta joojisay markii la gaaray daqiiqadii 13-aad maadaama uu ahaa lambarka uu u xiran jiray kooxda ayaa misane iminka go’aansatay inay ugu magac darto garoonkeeda Tababarka.

Related image

“Waxaan sameynay go’aankan maxaa yeelay wuxuu ahaa hoygiisa,” Guddoomiye Mario Cognigni ayaa sidaa yiri.

“Maalin kasta ayuu halkan tababar u iman jiray wuxuuna sidoo kale waqti kula qaadan jiray reerkiisa.

“Waxaan aaminsanahay in qaabkan loo sharfo ay tahay waxa saxda ah ee la sameeyo, sidaa darteed xeradeena tababarka waxaa iminka loogu yeeri doonaa Centro Sportivo Davide Astori.

“Waxaan sameyn doonaa midaa waqtiga ugu dhow ee ugu macquulsan.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles