(London) 23 Maarso 2018. Alvaro Morata ayaa daaha ka rogay laacibka ugu baabuurka Shidan shaxda Chelsea.
Dhaliyaha reer Spain ayaa su’aashan la waydiiyay mar uu qeyb ka ahaa xayaysiin ay Chelsea u sameynaysay Yokohama Tyres.
“Thibaut Courtois, wuxuu sitaa Aston Martin. aad iyo aad ayay u fiican tahay.”. 25-jirka ayaa sidaa yiri mar uu ka jawaabayay su’aasha laacibka ugu baabuurka shidan shaxda Chelsea.
Dabcan baabuurka uu sito goolhayaha ayaa ku kacaya adduun dhan 250,000 oo bound.
David Luiz iyo Victor Moyes ayaa ka mid ah xiddigaha sita Baabuurta qaaliga ah, halka Kante uu aalaaba jacel yahay inuu kexeeyo baabuurta ugu raqiiqsisan.
Gool FM.