(Dortmund) 23 Maarso 2018. Ninka ugu orodka dheer adduunka ee Usain Bolt ayaa maanta oo Jimco ah tababarka la qaatay kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund.
Laacibkan heysta Rikoodhka adduunka ee 100 ka mitir ayaa ka fariistay ordada isagoona ku riyoonaya inuu noqdo laacib kubbada cagta ah.
Bolt ayaa bisha June ee soo socota kabtan u noqon doona koox ka socota adduunka World XI oo wajaheysa koox uu hogaaminayo Robbie Williams ee reer England, kulan samafal ah.
SAWIRRO:
Gool FM.