(Muqdisho) 23 Maarso 2018. Benaadir ayaa galabta xaaqday kooxda Jeenyo oo ay ku martay 4-2.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hogaamineyso Benaadir.
Benaadir ayaa saddex iyo eber gaarsiisay Jeenyo oo ay xifaaltami jireen balse ay baryahaan ka jajaban tahay kaddib markii ay ka tageen xiddigaheeda oo dhan marka laga reebo wax yar.
Yeelkeede, Jeenyo ayaa labo gool soo guday oo ciyaarta ka dhitay 3-2 ka hor inta aan goolka afaraad laga dhalin.
Guusha ayaa uga dhigan inay soo xiratay kaalinta saddexaad oo waxay leedahay 17-dhibcood.
Gool FM.