(Europe) 29 Maarso 2018. Mohammad Al-Sahlawi oo weerarka kaga ciyaara xulka Sucuudiga ayaa tababarka la bilaabi doona Manchester United si uu isugu diyaariyo koobka adduunka.
31-jirk ee iminka u safta naadiga Al-Nassr kuwaa oo labo kulan oo qura uga harsan tahay horyaalka dalkaasi Sacuudiga.

Al-Sahlawi ayaa u dhaliyay xulkiisa 26-gool 33-kulan uu u saftay wuxuuna doonayaa inuu howshiisa sii wato koobka adduunka.
Saudia Arbai ayaa kulanka furitaanka la ciyaari doonta Ruushka ka hor inta aysan la ciyaarin Uruguay iyo Masar.
Guddoomiyaha ciyaaraha guud ee Sucuudiga Turki Al-Sheik ayaa xaqiijiyay in Al-Sahlawi uu saddex usbuuc tababar la qaadan doono kooxda Jose Mourinho ka hor koobka adduunka.
Gool FM.