(Spain) 29 Maarso 2018. Lionel Messi ayaa la warinayaa inuu aad ula amakaagay markii uu ogaaday in Ousmane Dembele uu ka fikirayo inuu xagaaga si lama filaan ah ugu dhaqaaqo Arsenal.
Gunners ayaa u soo ifbaxday sida kooxaha suuro galka ah inay u soo dhaqaaqaan Dhaliyihii hore ee Dortmund.
Warsidaha gorfeeya arrimaha suuqa kala iibsiga ee Don Balon ayaa sheeganaya in Messi uu aad ula yaabay in Dembele uu dar dar galinayo inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan London ee Arsenal.
Kabtanka xulka Argentina iyo wiilka reer France ayaa isfahankooda garoonka sii kordhayay baryihii dambe, waxaana la sheegayaa in Messi uu aad u qiimeeyo Ousmane Dembele.
Waxaa xitaa la sheegay inuu u muujiyay sida uu ugu xun yahay markii uu ku dhibtoonayay la qabsiga kooxda Barcelona.
Don Balon ayaana intaa ku dareysa in Messi uu ogaaday waxa ay dooneyso inay sameyso Arsenal si ay u qal qaaliso Dembele.
Yeelkeede, waxaa yaab kale ah in Wenger iyo xertiisa ay doonayaan ina bixiyaan 52 milyan oo qura si ay Dembele u keenaan Emirates.
Gool FM.