Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Roberto Carlos oo niyada ka dilay Neymar!!

$
0
0

(Europe) 29 Maarso 2018. Neymar ayaa loo arkaa laacibka saddexaad ee waqti xaadirkan ugu fiican kubbada cagta adduunka kaddib Messi iyo Ronaldo.

Rugadaaaga reer Brazil iyo kooxda Real Madrid Roberto Carlos ayaa qaba in Neymar ay tahay inuu kaalintiisa saddexaad iska sii saldhigto intay ay qaab ciyaareed fiican ku jiraan labada ugu fiican adduunka.

“Waxaan aaminsanahay inuu si fiican sameeyay inuu ku biiro PSG,” Carlos ayaa sidaa u sheegay France Football.

“Si uu u noqdo kan ugu fiican adduunka waxay noqotay inuu ka tago Barcelona maxaa yeelay waxaa goobta jooga Messi.

“Xitaa haddii uu midaa ka warqabo, inta ay Messi iyo Ronaldo ku jiraan qaab ciyaareed fiican waa inuu iska sal dhigtaa kaalinta saddexaad.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles