(England) 29 Maarso 2018. Daafaca Manchester United Phil Jones ayaa aaminsan in Manchester United ay tabi doonto Zlatan Ibrahimovic.
Joog dheeraha reer Sweden ayaa ku biiray naadiga Los Angeles Galaxy, usbuuca soo socda ayaana lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horeeyay ka soo muuqdo horyaalka MLS Mareykanka.
“Zlatan wuxuu ahaa mid cajiib ah. Waa dabeecadaha ugu fiican ebid aan la ciyaaray. Waan tabi doonnaa isaga. Xilli ciyaareed fiican ayuu qaatay sanadkii hore wuxuuna noo dhaliyay goolal badan,” Jones ayaa sidaa yiri.
“Ma ahan oo kaliya inuu yahay laacib muhiim ah garoonka marka la joogo, wuxuu sidoo kale ahaa qof muhiim u ah qolka dharbadalashada kooxda. Waxaan u rajeynayaa nasiib wacan, Wuxuu lahaa Waayo ciyaareed cajiib ah.”.
Ibra ayaa 53-kulan uu ka soo muuqday Red Devils u dhaliyay 29-gool wuxuuna kula guuleystay Community Shield, League Cup iyo Europa League.
Gool FM.