(Burundi) 25 Abriil 2018. Xulka Soomaaliya ayaa isa soo taagay Final ka Cecafa Under -17 kaddib markii ay 1-0 uga soo taqaluseen xulka Uganda.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.
Xulka Uganda ayaa is dhaafiyay fursad uu ku qaban karay hogaanka ciyaarta qeybtii hore kaddib markii uu iska khasaariyay Rigoore loo dhigay.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee Dheesha Farxaan Duqoow ayaa goolka u dhaliyay xulkeena Soomaaliya.
Xulka ayaana ku adkeystay goolkaas oo u suuro galiyay inay gaaraan Finalka ka Cecafa Under -17.
Gool FM.