Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ronaldo oo xalay 13-kulan kaddib Gool dhalin waayay, Laakiin sidaas ay tahay wuxuu Champions League u dhigay Rikoodh Cusub

$
0
0

(Europe) 26 Abriil 2018. Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horreysay tartanka Champions League 13-kulan kaddib ku guul darreystay inuu wax gool ah dhaliyo.

22-gool ayuu soo dhaliyay xiddiga reer Portugal 12-kii kulan ee ugu dambeeyay Koobka dhaga waynaha balse xalay wuu awoodi waayay inuu sii wato Rikoodhka waalida ah.

Iyadoo ay midaa jirto ayuu misane Ronaldo Rikoodh cusub u dhigay tartanka ugu xiisaha badan Yurub ee Champions League.

 

Wuxuu noqday laacibka ugu guulaha badan Taariikhda tartankan 96-guul oo wuxuu jabiyay Rikoodhka goolhayihii hore ee Real Madrid Iker Casillas 95-gool.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025