Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Real Madrid oo Xalay TAARIIKH Cusub u dhigtay Champions League

$
0
0

(Europe) 26 Abriil 2018. Real Madrid ayaa xalay guul soo laabasho leh ka gaartay Bayern Munich lugta hore ee wareega afar dhammaadka Champions League ee lagu soo ciyaaray Jarmalka kaddib markii ay uga adkaatay 2-1.

Marcelo iyo Marco Asensio ayaa Los Blancos ka caawiyay guul laga mudnaa maadaama ay camaaliqada Bundesliga is dhaafiyeen fursado badan ay guul ku gaari kareen.

Guusha ayaa micno gaar ah u sameysay Real Madrid taa oo uga dhigan inay noqotay naadigii ugu horreeyay Taariikhda Champions League ee guulo gaarta 150-kulan.

Zidane iyo xarfaantiisa ayaa iminka eeganaya inay Bayern Munich ka adkaadaan lugta labaad ay ku marti galin doonaan Bernabeu si ay ugu soo gudbaan Finalka oo ay ku sugeyso Liverpool.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025