(England) 26 Abriil 2018. Liverpool ayaa isku diyaarineysa inay Real Madrid ku wargaliso inaysan ka iibin doonin Maxamed Saalax lacago kasta oo ay u soo bandhigaan xitaa 200 milyan sida uu warinayo Daily Mail.
Xiddiga reer Masar ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Liverpool dhigaya wacdaro waali ah oo waa laacibka ugu goolasha badan Yurub tartamada dhan 43-gool.
Liverpool aya iminka qorsheynaysa inay dib ugu laabato mushaarka uu Maxamed usbuuciiba ku qaato 90,000 milyan oo bound si ay uga dhigto laacibka ugu muhiimsan kooxda.
Reds ayay ka go’an tahay inay sii heysato wiilka reer Masar sanado badan isla markaana ay kooxda ku dhisto hareerihiisa.
Macallinka Real Madrid Zidane ayaa aad ula dhacsan bandhiga Saalax balse Maamulka Liverpool ayaa ku kalsoon inay diidi karaan dalab kasta oo kaga yimaada camaaliqada Spain maadaama ay xiriir fiican la leeyihiin Wakiilka Maxamed ee Ramy Abbas.
Real Madrid ayaa xitaa ku dhibtoon doonta soo iisbashada xiddiga Afrika maadaama uusan lahayn lacago gaar ah oo lagu bur burin karo qandaraaskiisa taa oo ka dhigan inuu lacago badan ugu kici doono.
Daily Mail ayaa warineysa in sidoo kale ay Liverpool dooneyso inay qandaraaska u kordhiso xiddiga ay sida wayn isku fahmeen Saalax ee Roberto Firmino.
Gool FM.