Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maxamed Saalax oo Fariin DAMQASHO leh u soo diray Saaxiibkii Oxlade-Chamberlain

$
0
0

(England) 26 Abriil 2018. Xiddiga Liverpool ee Maxamed saalax ayaa fariin damqasho leh u diray saaxiibkii Oxlade-Chamberlain.

Laacibka reer England ayaa garoonka looga saaray dhaawac Jilibka ah dheeshii ay 5-2 uga adkaadeen Roma lugta hore ee afar dhammaadka Champions League ee lagu ciyaaray Anfield.

Kooxda ayaa xaqiijisay in 24-jirka uu ka maqnaan doono inta ka harsan xilli ciyaareedka isla markaana uu xitaa seegi doono Koobka Adduunka ee June lagu qaban doono Ruushka.

“Wanaag dhammaantiis ayaan kuu rajeynayaa, Waxaana ku kalsoonahay inaad soo laaban doonto adigoo xitaa ka xoogan sidii hore,” Wiilka reer Masar ayaa sidaa ku soo qoray Boggiisa Istagram.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles