Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

QORMADA JIMCAHA: Xog kaa Qarsooneyd oo ku aadan Xulkeena Qaranka Soomaaliya….(Ma ogtahay in…….?????)

$
0
0

(Muqdisho) 27 Abriil 2018. Xulkeena qaranka ayaa markii ugu horreysay Taariikhda isa soo taagay Finalka Cecafa Under -17.

Group A ayay si xarago leh uga soo bexeen kaddib markii ay lix dhibcood ka qaateen Itoobiya iyo Kenya halka ay bar baro la galeen marti galiyayaasha tartanka ee Burundi.

Semi Finalka ayay ku soo cabeen Uganda oo aan weligeed heerkaas oo kale looga adkaan, waxayna iminka Axada Final-ka la ciyaari doonaan Tanzania.

Haddaba waxaan kuu soo ururinay Xog kaa Qorsooneyd oo ku aadan xulkeena Taariikhda Sameeyay:

Xulka 17-jira Soomaaliya waa ku dawan yihiin kuwii hore waayo waxaa ciyaartoydan la xareeyay 2016-dii si ay tababaro u qaataan.

Xiriirka kubbada cagta Soomaaliya ayaa qeyb libaax ah ka qaatay guusha aad arkeyso maadaama ay ciyaartooy badan fursad u siyeen inay xulkooda u tababartaan iyagoo waxbaranaya.

Da’yarta ayaa Jaamacadaha ku tababaran jiray maalmaha aysan waxbarashadu jirin sida Khamiista iyo Jimcaha, waxaana xusid mudan in xulka Taariikhda sameeyay ay u badan yihiin ciyaartooy aan weligood ka soo ciyaarin heerarka C B iyo A.

Waa run inay ku jiraan ciyaartooy ka ciyaarta saddexdaas heer laakiin waxaa xulka ku badan da’yarta Iskuuleyda uu Xiriirka siiyay fursadaan qaaliga ah ee loo wada jeedo miro-dhalkeeda.

Waxaa dhabtii Soomaaliya u soo muuqda ifafaalo wanaagsan maadaama ay guul wayn soo hoyeen qaar yar oo ka mid ah xiddigihii la xareeyay isla markaana ay jiraan kuwa kale oo badan oo weli tababarka wada.

Soomaaliya Waligeed Final horey ma u soo gaartay?

Haa, 1979-dii ayay mar Final soo gaartay, laakiin ma ahayn koobka Cecafa oo wuxuu ahaa koobka Qaramada Jaamacadaha Carabta waxaana koobkii naga qaaday Ciraaq.

Maxaa ka Jira in Soomaaliya ay horey ugu guuleysatay koobka Cecafa?

Haa, way ku guuleysatay sida ay sheegayaan xogag badan oo aan helay.

Laakiin Koobka Cecafa ma ahayn mid caalami ah oo waxaa ka qeyb qaadanayay Saddex dal oo qura Soomaaliya, Sinsibaar iyo Kenya.

Koobka oo ahaa is arag ayaa la sheegay inuu qaaday xulkeena 1981-dii.

Laakiin sida uu Koobkan casriga u noqday Soomaaliya waligeed ma soo gaarin Final iyo meelo ka ag dhow.

Ma ogtahay in Xiddig ka tirsan xulkeena Finalka soo gaaray ay Wada sheegteen Labo Degmo?

Farxaan Duqoow ee ka tirsan naadiga Gaadiidka ayaa labo gool oo muhiim ah u dhaliyay xulkeena Qaranka.

Goolkii aan kaga soo adkaanay Kenya Wareega Group-yada iyo midkii aan Semi Final-ka ku garaacnay Uganda ayaa waxaa wada dhaliyay Farxaan, taa oo keentay inay isla markiiba labo Degmo wada sheegtaan inuu xiddigan ka tirsan yahay Degmadooda

Guddoomiyaha Degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa bartiisa Facebook soo dhigay inay sharaf u tahay in xiddig ka tirsan Degmadiisa uu xulka ku hogaamiyo Final ka.

 

Halka Xoghayaha Guud ee Degmada Warta Nabada uu isna sheegay in Farxaan Duqoow uu ka tirsan yahay Degmadiisa.

Yeelkeede Farxaan Duqoow iyo wiilasha kale ee Xulkeena ayaa Guul Taariikhi ah u soo hoyay Dalkeena Soomaaliyeed Guud ahaan waxaana u rajeynaynaa inay Koobka ku guuleystaan.

Ugu dambeyna ma ogtahay in Warbaahinta Soomaaliyeed Guud ahaan ay wado Qorshe lagu waynaynayo Wiilasha Taariikhda u dhigay Dalkeena?

Warbaahinta Soomaaliyeed guud ahaan oo ay Qeyb ka tahay Gool FM ayaa wada qorshe lagu waynaynayo xiddigaha Soomaaliyeed ee markii ugu horreysay soo gaaray Final ka Cecafa Under -17.

Waxay Warbaahintu xooga saari doonaan sidii soo dhaweyn ballaaran loogu sameyn lahaa laacibiinta Qaranka isla markaana loogu ururin lahaa dhaqaalo xoogan.

Ku darso Tirada waxaa Qarankeena Soomaaliyeed Hamalyo u soo diray Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, sidoo kale Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdraxmaan Cabdi Shakuur, Guddoomiyihii Gobalka Banaadir Thaabit iyo qaar kaloo badan.

Waxaa kaloo Xusid mudan in Guddooomiyaha xiriirka kubada cagta Afrika Axmed Axmed uu sheegay inuu aad ugu farxay inay Soomaaliya markii ugu horreysay soo gaarto Finalka isla markaana uu daawan doono ciyaarta Axada ay la yeelan doonaan Tanzania.

Isku soo wada Duuboo, waa sharaf iyo Taariikh wayn in Soomaaliya ay markii ugu horreysay gaarto Finalka Cecafa Under -17, waxaana da’yarteena u rajeynaynaa inay dhammeystiraan howsha qabyada ah isla markaana ay Guriga keenaan koobka.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles