Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Barcelona si CAAWA ugu dabaal degto La Liga waxay u baahan tahay……

$
0
0

(Spain) 29 Abriil 2018. Barcelona ayaa caawa u dabaal degi doonta inay ku guuleysatay La Liga haddii ay Dhibic ka soo hesho naadiga Deportivo oo ay mari u tahay.

Kooxda lagu naaneyso Galicians ee Deportivo ayaa caawa inta aysan bilaaban kulan salaan sharafeed u saari doonta Barcelona maadaama ay ku soo guuleysteen Copa del Rey.

Yeelkeede, ma sahlanaan doonto in Barca ay caawa dhibic ama guul ku soo gaarto gegada Estadio Riazor. maadaama ay Deportivo u baahan tahay guul si ay uga fogaato in la xaqiijyo inay heerka labaad u dhacday iyadoo ay saddex kulan harsan tahay.

Messi iyo xarfaantiisa ayaa caawa kubbada la baasan doona Deportivo marka ay saacada dhankeena tilmaameyso 9:45 Habeenimo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles