Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ronaldo oo Raali gareeyay ciyaartoyda Real Madrid intii uu socday kulankii Xalay

$
0
0

(Spain) 02 Maajo 2018. Ronaldo ayaa xalay raali galiyay saaxiibadiisa kooxda intii uu socday kulankii mashaqada ahaa ay 2-2 Bernabeu kula galeen Bayern Munich isla markaana ugu gudbeen Final ka Champions League.

Real Madrid oo 2-1 ku hogaamineysa kulanka ayaa waxaa Fursad qaali ah soo martay Ronaldo oo hawada ku tolay.

Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa durba ciyaartoyda ka raali galiyay fursada uu dhaafiyay, isagoona ka war qabay in haddii uu goolka dhalin lahaa ay Real Madrid wal wal la’aan kulanka ku dhammeysan lahayd.

Yeelkeede, fursadaas uu khasaariyay Ronaldo ayaa ka dhigan inuu 180-ka Daqiiqo ee Semi Final ka Champions League ku dhammeystay gool la’aan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025