(Europe) 02 Maajo 2018. Karim Benzema ayaa dhaliyay labadii gool ay xalay Real Madrid ka dhalisay Bayern Munich kulankii ku idlaaday 2-2 taa oo uga dhigan inuu soo qabtay Lionel Messi.
Labada gool ayaa uga dhigan dhaliyaha reer France inuu dhaliyay goolashiisii afaraad ee wareega Semi Final ka Champions League.
Benzema ayaa horey gool uga soo dhaliyay Borussia Dortmund kulan ay guul daro kala soo kulmeen 2012/13, sanad kaddib wuxuu gool ka dhaliyay Bayern Munich.
Lionel Messi ayay ku qaadatay 13 kulan inuu afar gool ka dhaliyo wareega Semi Final ka Champions League, halka uu Benzema gaaray tiradaasi kulankiisii 12-aad.
Gool FM.