(Europe) 02 Maajo 2018. Waxaa daaha laga rogay Baaritaano lagu sameeyay kooxaha ugu waa wayn Yurub iyadoo ay Manchester City, Barcelona iyo PSG ay noqdeen kooxaha qarash gareeyay lacagaha ugu badan.
La Gazzetta dello Sport oo howshan u kuur gashay ayaa soo saartay liiska kooxaha qasiray dakhliga ugu badan iyadoo ay Man City koowaad ku soo baxday.
Waxaana shanta sare soo buuxiyay kooxaha Chelsea iyo Manchester United.
Real Madrid ayaa ku jirta lixaad halka ay Todobaad iyo sideedaad ku kala jiraan Liverpool iyo Juventus.
Camaaliqada Talyaaniga AC Milan, Inter iyo Roma ayaa iyagu kharash gareeyay 600m iyo 700-milyan oo euro.
Gool FM.