(Muqdisho) 02 Maajo 2018. Kulankii la wada sugayay ee Dekadda iyo Heegan ayaa ku soo idlaaday bar baro 1-1.
Labadan kooxood ayaa u wada hanqal taagaya hanashada horyaalka Somalia Premier League waana isku dhibco.
Laakiin iminka way dhimatay rajadii ay Heegan ka lahayd horyaalka maadaama uu u harsan yahay hal kulan oo qura halka uu Dekadda u harsan yahay labo kulan.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Heegan.
Nyaze Ronaldo ayaa goolka u dhaliyay.
Markii la isku soo laabtay qeybta labaad Dekadda ayaa dadaalo xoogan kaddib goolka bar baraha ka heshay kabtankeeda Cabaas.
Labada kooxood ayaa iminka wada leh min 33 dhibcood, halka Benaadir oo kulamadeeda wada dhammeystay ay leedahay 38.
Heegan ayaa hal kulan u harsan yahay oo xitaa haddii ay soo adkaato horyaal shaqo kuma lahan balse Haddii ay Dekadda soo adkaato laabda kulan ee u dhiman waxaa markale loo caleemo saari doonaa horyaalka sanadkii labaad oo xiriir ah.
Gool FM.