Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Jose Mourinho oo ka hadlay Xaalada Lukaku…(Ma ciyaari karaa Final ka FA Cup?)

$
0
0

(Manchester) 03 Maajo 2018. Weeraryahanka reer Belgium Romelu Lukaku ayaa ku qasbanaaday inuu garoonka ka boxo ciyaartii ay Man United 2-1 uga adkaatay Arsenal.

Red Devils ayaa ka baqdin qabtay  inay waayi doonto dhaliyaheeda inta ka harsan xilli ciyaareed iyo sidoo kale Finalka FA Cup oo ay Chelsea la yeelan doonaa dabayaaqada bishan.

Jose Mourinho ayaa sheegay iminka inaan weli la ogeyn goorta uu soo laabanayo Lukaku, inkastoo warkiisa laga dheehanayo inay u badan tahay inuu ka qeyb qaato Final ka.

Mar Jose la waydiiyay dhaawaca Lukaku ayaa yiri:

“Ma garanayo, waxaan ogahay uun inaysan beri ahayn, marka laga soo tago midaa waxaan u baahanahay Tijaabooyin badan, waqti badan.

“Waxaan rajeynayaa in Lukaku soo laaban doono Finalka FA Cup;”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles