Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Mane, Firmino iyo Maxamed Saalax oo Garaacay Weeraryahannadii caanka ahaa ee BBC iyo MSN

$
0
0

(Europe) 03 Maajo 2018. Liverpool xalay uma soo bixin oo kaliya Finalka Champions League oo waxay sidoo kale sameysay Taariikh.

Reds ayaa noqotay kooxda goolasha ugu badan ka dhalisa Koobka dhaga waynaha hal xilli ciyaareed halka Weeraryahannadeeda Mane, Salah iyo Firimino ay iygana ka sara mareen BBC, Bale, Benzema iyo Cristiano Ronaldo iyo waliba Weeraryahannada kale ee MSN, Messi, Suarez iyo Neymar.

Goolkii xalay uu Mane ka dhaliyay Roma ayaa ka dhigan in weeraryahannada Saddexda ah ee Liverpool ay Champions League ka dhaliyeen xilli ciyaareedkan 29-gool iyagoona jabiyay Rikoodhkii BBC.

Weeraryahannada Real Madrid ee Bale, Benzema iyo Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkii 2013-14 tartankan ka dhaliyay 28-gool.

Halka MSN oo uu Neymar ka tagay ay Champions League ka dhaliyeen 27-gool kal ciyaareedkii 2014 -15.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles