Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maxamed Saalax oo sheegay in Real Madrid ay Sabab u tahay inuu Goolal dhalin waayo Labadii kulan ee la soo dhaafay!!

$
0
0

(England) 03 Maajo 2018. Maxamed Saalax ayaa ku jira qaab ciyaareed aan innaba caadi ahayn iyadoo xitaa loo saadaaliyay inuu Ballon d’Or kula dagaalami karo kabo waynta Messi iyo Ronaldo.

Wiilka reer Masar ayaa 43 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan dhammaan tartamada oo ay ka mid tahay 10-Gool uu ka dhaliyay Champions League.

Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa Maxamed waydiiyay suuro galnimada inuu ku guuleysto Ballon d’Or.

Balse Saalax ayaa ku kaftamay in abaal marintaasi ay goolal badan u baahan tahay balse uu isagu wax gool ah dhalin waayay labadii kulan ee la soo dhaafay maadaama uu goolasha u dhiganayo Real Madrid.

Jamie Carragher

“Xusuusnoow, iminka wax Gool ah ma dhalin labo kulan,” Maxamed Saalax ayaa sidaa ugu jawaabay Jamie Carragher mar Ballon d’Or wax laga waydiiyay.

Carragher ayaa ku Yiri Saalax: “Waxaa laga yaabaa in markaa keydka lagu galiyo Final ka.”.

Maxamed oo Kaftamaya ayaa ugu Jawaabay:

“Xoogaa goolal ah ayaan iminka u dhigtay Final ka.

“Waad ogtahay waxaan had iyo jeer isku dayi doonaa teyda ugu fiican si aan u caawiyo kooxda inteeda kale si aan u guuleysano kulamada Premier League iyo Champions League.

“Waxaan qaadanay xilli ciyaareed wayn waana inaan ka fikirnaa labada kulan ee xigta Premier League intaa kaddib Champions League.”

Liverpool ayaa Final ka Champions League Ukraine kula ciyaari doonta Real Madrid 26 ka bishan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles