(Italy) 10 Maajo 2018. Juventus ayaa si dhib la’aan ah ku guuleysatay Coppa Italia kaddib markii ay 4-0 ku martay AC Milan.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.
Balse qeybta dambe ayaa Milan lagu maquuniyay afar gool.
Medhi Benatia ayaa labo gool ka xareeyay, Gool uu ka dhaliyay Douglas Costa iyo mid ay iyaga iska dhaliyeen.
Goolhayaha da’da yar ee AC Milan ayaa qaladaad sameeyay isagoona Juve farta ka saaray labo gool.
Juventus ayaa sidoo kale usbuuca soo socda u dabaal degi doonta horyaalka Serie A markii Todobaad oo xiriir ah waa haddii ay Hal dhibic ka soo hesho AS Roma.
SAWIRRO:
Gool FM.